Afgaanistan oo jawaab adag siisay Madaxweyne Trump kadib hadallo hanjabaad ah iyo la wareegista saldhigga Bagram

Dowladda Afgaanistan ayaa si xooggan uga jawaabtay hadallo hanjabaadyo ah oo kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiirka Difaaca Afgaanistan, Maxamed Yaqoob Mujahid, ayaa si cad uga jawaabay hanjabaadaha Trump, isagoo sheegay in haddii Mareykanka uu isku dayo inuu saldhigyo ku qaato dalka, Afgaanistaan ay diyaar u tahay inay dagaal la gasho, xitaa muddo dheer.

“Jawaabtayadu way cadahay, haddii aad joogi waydaan oo aad rabtaan inaad saldhigyo qaadataan, waxaan diyaar u nahay inaan idinla dagaalanno 20 sanno oo kale, oo ku dhammaanaysa mar kale inaad ka carartaan hubkiina,” ayuu yiri Wasiir Yaqoob.

Sidoo kale, dowladda Afgaanistan ayaa la wareegtay saldhigii Mareykanka uu ka joogay dalka ee Bagram, iyadoo sidoo kale xabsiga ku haysa qaar kamid ah hubkii ciidamada Mareykanka kaga tageen saldhigaasi. Tallaabadani ayaa muujinaysa xoojinta awoodda dowladda Afgaanistan iyo go’aankeeda ku aaddan ilaalinta dhulka iyo khayraadkeeda militari.

Arrintan ayaa kor u qaadaysa xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Afgaanistan, iyadoo ay muuqato in labada dhinac ay ku jiraan xaalad xiiso iyo cabsi isku dhafan, gaar ahaan xilligan oo weli gobolku uu ka jiro khataro amni iyo kala-guur siyaasadeed.