Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali, oo ahaa darawal gaari nooca Leyla Calaawi ka shaqeeyo.
Gaariga uu marxuumku waday ayaa ka mid ahaa kuwa isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, sida uu Risaala u sheegay adeerka wiilka la dilay.
Dilka ayaa ka dhashay muran ku saabsan lacag uu askarigu ka qaadi rabay darawalka.
Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgal lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay.
Dadka isticmaala gawaarida isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada kale ayaa inta badan cabasho ka muujiya ciidamo ku labisan dareeska dowladda oo lacago sharci darro ah ka qaada, halka marar badan lagu eedeeyay inay dhibaatooyin u geystaan darawallada, oo ay ku jiraan dhacdooyin jirdil iyo xitaa toogasho.