Booliska oo gacanta ku soo dhigey eedeysaneyaal halis ah.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee ka howl-gala Saldhigga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal khatar weyn gelinayay amniga waddooyinka iyo badqabka guud ee bulshada.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

  1. C/Risaaq Maxamed Faarax

  2. Najiib C/llaahi Mire

  3. Feysal Cismaan Maxamed

  4. C/maalik Maxamuud Daahir

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dhalinyaradan ayaa lagu tuhunsan yahay inay muuqaallo khatar ku ah naftooda iyo tan bulshada ku baahiyeen baraha bulshada, gaar ahaan barta TikTok. Muuqaalladaasi ayaa muujinayay iyagoo isku dhigay gaadiidka ku socda waddooyinka waaweyn, arrintaas oo la sheegay inay sababi karto shilal culus iyo khasaare naf iyo maalba leh, taas oo khatar gelinaysa nabadgelyada guud ee bulshada.

War-saxaafadeedka Booliska ayaa intaas ku daray: “Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh, si cadaaladda loo horkeeno.”

Sidoo kale, Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray dhammaan dadka ku dhaqma falalka khatarta ku ah amniga, dhaqanka bulshada iyo badqabka guud, iyagoo si cad u sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko inay ku dhaqmeyso falal noocaasi ah.

Warkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeen hore ciidamada Booliska ay sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo xireen koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafiyeen muuqaal aflagaado ah oo loo arkay inuu ka dhan ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.