Qaar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah hawada uga dejiyay saadka kala duwan iyo saanad ciidan oo dhameystiran, kuwaasoo loo waday ciidamada difaaca ee dowladda Puntland ee ku sugan fiqyada sare ee buuraha ku hareereysan togga Baallade.
Saadkaas muhiimka ah ayaa qayb ka ah taageero istiraatiiji ah oo ay ciidamada Maraykanku siiyeen Puntland, iyadoo la xusay in sahayda laga raray magaalada dekedda ah ee Boosaaso, caasimadda gobolka Bari, kadibna hawada loo marsiiyay halka ay ciidamada difaaca ku sugan yihiin.
Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka Calmiskaad, oo hadda maraya wejigiisii afraad, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saadka hawada looga dejiyay ciidanka uu muhiim u yahay sii socoshada hawlgallada ka dhanka ah firxad-yada Daacish ee wali ku dhuumanaya godad qoto dheer oo dhaca bartamaha togga Baallade.
Warbixinta saraakiisha ayaa sidoo kale muujisay in horjoogayaal sare oo katirsan kooxda Daacish ay ku jiraan goobaha la go’doomiyay, waxaana la aaminsan yahay in ay la joogaan dumar iyo carruur, taasoo muujinaysa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhalan kara howlgalka haddii aan si taxadar leh loo wajahinin.
Dhibaatooyinka dhanka gaadiidka awgood — maadaama ciidamadu ku sugan yihiin dhul buuraley ah oo aan sahlaneyn in gaadiidku maro — ayaa keentay in saadka loo adeegsado diyaarado si toos ah hawada uga dejinaya raashinka, biyaha, rasaasta, iyo qalabka kale ee ciidan.
Hawlgalkan Calmiskaad ayaa muddooyinkii dambe si habsami leh u socday, waxaana lagu tilmaamaa mid kamid ah howlgallada ugu culus ee maamulka Puntland iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada Buuraha Galgala iyo togagga la xiriira.
Tallaabadan ay ciidamada Maraykanku ku taageereen Puntland ayaa loo arkaa mid xoojinaysa iskaashiga amni ee ka dhexeeya dowladda Federaalka Mareykanka iyo maamul goboleedka Puntland, iyadoo sidoo kalena fariin adag u diraysa kooxaha argagixisada ee isku dayaya in ay saldhigyo ka samaystaan dhulka buuraleyda ah ee dalka.