Ciidanka Booliska maamulka Puntland , ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaaan nin shalay dil aad looga naxay ka geestay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Booliiska Puntland war kasoo baxay , ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ku guuleesteen soo qabashada eedaysane Cabdullaahi Muuse Fidaar, oo loo haysto dilkii marxuumad Kawsar Axmed Maxamed oo shalay ka dhacay aagga xarunta NECSOM ee Garoowe.
Deegaannada Puntland, ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka loo geesanayo dumarka , waxaana maalmo kahor degmada Galdogob nin si arxandarro ah ugu dilay xaaskiisa oo ilmo badan u heysay, kaddib muran la sheegay in uu soo kala dhax galay.