Wararka laga helayo gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo isdaba joog ah oo culus lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Baay. Duqeymahan ayaa sababay khasaare xooggan, iyadoo lagu dilay hoggaamiyeyaal sare iyo xubno ajaanib ah oo kooxda ka tirsanaa, halka qaar kale lagu dhaawacay.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo sirdoon, duqeymahan oo gaaraya ilaa afar mar ayaa ka dhacay deegaanada Bu’aale (Jubbada Dhexe), Kuunya-Baroow (Jubbada Dhexe), Sablaale (Shabeellada Hoose) iyo Buulo-fulaay (Baay).
Hoggaamiyeyaasha Ajaanibta ah ee lagu dilay Bu’aale
Mid ka mid ah duqeymaha ugu khasaaraha badan ayaa ka dhacay deegaanka Sariiraha oo hoostaga Bu’aale, halkaas oo lagu dilay xubno ajaanib ah oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay door weyn ku lahaayeen tababarka dagaalyahannada kooxda.
Magacyada xubnahaas waxaa lagu sheegay:
-
Abu Fahad Sudaani – u dhashay dalka Suudaan
-
Abu Saleban – u dhashay Pakistan
-
Abu Jaacfar – u dhashay Morocco
-
Abu Maalik – oo aan la cayimin dalka uu ka yimid
Qalab ay ka heleen Xuutiyiinta oo lagu burburiyay Kuunya-Baroow
Duqeyn kale oo lala beegsaday tuulo ku dhow Kuunya-Baroow ayaa lagu burburiyay qalab cusub oo ay Al-Shabaab dhawaan ka heleen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taas oo muujinaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya kooxaha xagjirka ah ee gobolka.
Shirar Al-Shabaab ku qabsanaysay Sablaale oo la bartilmaameedsaday
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in bannaanka degmada Sablaale la duqeeyay guri ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Hoggaamiyeyaashan ayaa lagu waramay inay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.
Duqeymo kale oo ka dhacay Buulo-fulaay
Sidoo kale, deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay ayaa lagu beegsaday hoggaamiyeyaal Al-Shabaab ah, inkastoo aan si faahfaahsan loo shaacin magacyada iyo tirada dadka lagu dilay halkaas.
Ilo-wareedyo sirdoon ayaa tilmaamay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin duqeymahan, balse waxa ay la jaanqaadayaan qorshaha socda ee Qaramada Midoobay iyo ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM oo lagu xoojinaayo dagaalka lagula jiro kooxda.
Duqeymahan ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo la filayo in weerarro noocan oo kale ah ay sii socdaan, maadaama dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu galay wejigii labaad ee qorshaha xoreynta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.