Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku sameeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen adeegyada garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku eegay qaybaha kala duwan ee garoonka, isaga oo masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka garoonka ku amray in si degdeg ah wax looga qabto caqabadaha iyo adeegyada liita ee ay shacabka ka cabanayaan.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in adeegyada muhiimka ah ee garoonka, sida mashiinnada iyo adeegyada kale ee daruuriga ah, loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo si ay u noqdaan kuwo tayo leh oo ku habboon bulshada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in laba toddobaad gudahood uu mar kale ku soo laaban doono garoonka, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu waayo wax-ka-qabad degdeg ah oo muuqda.
Kormeerkan ayaa muujinaya in dowladda federaalka ay diyaar u tahay in ay si dhow ula socoto adeegyada muhiimka u ah shacabka, iyadoo loo marayo isla-xisaabtan iyo hagaajin joogto ah.