Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera, oo laga hirgeliyey Qaybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda. Laabkan cusub oo casri ah ayaa loo arkaa guul weyn oo ay jaamacaddu ku tallaabsatay, isla markaana fure u noqon doona kobcinta xirfadaha suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Munaasabadda daah-furka ayaa ahayd mid si ballaaran loo soo agaasimay, waxaana isla goobta lagu bilaabay koorsooyin tababbar horumarineed oo ay bixiyeen khubaro ka socda Machadka Al Jazeera Media Institute. Tababbarradan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa fursad gaar ah siinaya ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa jaamacadaha kale ee dalka, si ay u helaan aqoon iyo xirfado la jaan-qaadaya isbeddellada cusub ee warbaahinta caalamka.
Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa ku tilmaamay daah-furka laabkan mid taariikhi ah oo u soo hoyday jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu qeyb weyn ka qaadan doono tayeynta suxufiyiinta dalka iyo sare u qaadista heerka waxbarashada warbaahinta.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah in maanta ay daah-furto laab caalami ah oo ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda, taas oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa deeqdan qiimaha badan ee wax badan ka tari doonta horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa hormuudka Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda, oo dadaal iyo hagid joogto ah ku horseeday hirgelinta mashruucan muhiimka ah,” ayuu yiri Rektorka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in burburkii dalka uu saamayn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo fursadaha horumarinta dhalinyarada, balse dadaallada socda ee Jaamacadda Ummadda iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda saxaafadda. “Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa door muhiim ah ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu raaciyey Prof. Dr. Maxamed.
Laabka cusub ee Al Jazeera ee laga hirgeliyey Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha ardayda iyo suxufiyiinta, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka warbaahinta ee bulshada, gaar ahaan ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo kor u qaadista wacyiga shacabka.
Munaasabadda lagu daah-furay laabkan ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed ee qeybta Saxaafadda, sida Mudane Yuusuf Garaad Cumar, iyo kooxda Machadka Al Jazeera oo si toos ah uga qayb qaadanaya tababbarrada socda.