KG iyo Galmudug Oo soo geba-gabeynaya Doorashada Golaha Shacabka

Guddiyada doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ku qabanaya kuraastii ugu dambeeyaay ee Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa degaan doorashadooda tahay labada Maamul.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay mushaarixiinta 7 kursi oo lagu dooranayo Baydhabo & Saddex kusi oo lagu dooranayo Gaalkacyo, waxaana kutaasta la dooranayo ay kala yihiin.

1: Kursiga Koowaad ee HOP#164 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax) ayaa waxaa ku tartami doona Abshir Maxamed Nuur Mandeela oo kamid ah Wariyeyaasha Magaalada Baydhabo & Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS Maxamed Abuukar Cabdi.

2: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamed ayaa waxaa ku tartamaya Taliyaha Ciidanka Asluubta Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan & Maxamed Aadan Maxamed, waxaana kursigaan lagu matalayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen.

3: Kursiga Hop#181 ayaa waxaa ku tartamaya Maryan Macalin Isaaq oo kursigaan ku fadhisay iyo Asli Maxamed Isaaq.

4: Hop#047 oo ay ku fadhisay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo meesha laga saaray kadib markii Walaalkeed la siiyay kursiga Aqalka Sare, waxaana kursiga Maanta ku tartamaya Xaawo Sokor Cali iyo Musharrax kale.

5: HOP#204 oo uu ku fadhiyay Macali Cali Aadan ayaa waxaa ku tartamaya Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag & Nuur Isaaq Sheekh, waxana kursigaan laga reebay oo doonayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

6: HOP#197 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre Cabdifitaax Ibraahim Geeseey, waxaana ku tartamaya Guddoomiyaha Gobolka Baay Cumar Cali Isaaq Balash & Maxamed Axmed Cabduraxmaan.

7: HOP#179 oo uu ku fadhiyo Maxamed Axmed Garweyne oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku tartamaya Nuur Xuseen Cali & Maxamed Keerow Maxamed.

Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabanaya doorashada Saddexdii kursi ee ugu dambeeya, kuwaas oo kala ah.

1 HOP#018 oo uu ku fadhiyay Qaasim Maxamed Jaamac, waxaana ku tartamaya Sahro Colaad Cabdi & Nimco Cabdi Maxamuud,waxaana kursigaan doonayay oo ka haray Bashiir Maxamed jaamac (Bashiir Goobe) kadib markii qoondo Haween loo wareejiyay.

2: Hop#021 oo ay ku fadhisay Maryan Xaaji Cabdi Geedi ayaa waxaa Maanta ku tartamaya Xuseen Axmed Culusoow & Yaasmiin Yaasiin Xassan.

3: Hop#020 oo uu ku fadhiyay Cali Axmed Shariif Cusmaan, waxaana ku tartamaya laba Musharrax oo la diiwaangeliyay, iyada oo kursigaan uu doonayay Taliyihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Indha-qarshe balse waayay kadib markii kursiga loo wareejiyay Qoondo Haween.

 

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku tartamaya guuleysanay inay soo geba-gabeeyaan doorashada Golaha Shacabka waqtiga loo asteeyay oo ku beegan Maanta oo taariikhdu tahay 15/3/2022.