Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo istiraatiiji ah la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha uga mahadnaqay booqashadooda, isagoo kala hadlay xoojinta nabadgelyada Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta amniga ee u dhaxaysa Somaliland iyo Mareykanka.
Madaxweyne Cirro ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland ay u leedahay gobolka, isagoo sheegay in Somaliland tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo muddo soddon sano ka badan ka shaqaynayay amniga, dimuqraadiyadda iyo horumarka bulshada.
Dhankooda, saraakiisha Mareykanka ee Bariga Afrika ayaa Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadato sugidda amniga gobolka, iyagoo ballan qaaday in la dardar gelin doono wada shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.