Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada dalka Qadar Amiirka dalkaasi, Mudane Tamim bin Xamad Al Thani. Kulankan oo ka mid ahaa kulamo heer sare ah oo lagu xoojinaayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ayaa ku dhacay jawi walaaltinimo iyo wada-tashi qoto dheer.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah ula wadaagay Amiirka dalka Qadar mowqifka cad ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin taageerada walaalahooda reer Qadar. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay mar walba ka garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qadar, isagoo si xooggan u adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin isku day kasta oo lagu xadgudbo madaxbannaanida, sharafka, iyo amniga qaranka Qadar.
Dhankiisa, Amiirka Qadar Mudane Tamim bin Xamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga, kalgacalka, iyo taageerada walaalnimo ee ay muujiyeen. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood, isagoo caddeeyay in Qadar ay mudnaan gaar ah siinayso sii xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada ee labada dal.