Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maalintan Maamuuska badan ugu Hambaliyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sanadguuradii 62-aad ee kasoo waregatay Aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 1960-kii.
Madaxwaynaha ayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dablayda iyo Qoysaskooda ugu Hambaliyeeyay Munaasabadan Qiimaha Badan waxana uu ku bogaadiyey Geesiyaasha Naftooda Huriyaasha ah inay xoojiyaan Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed kana hortagaan Dhagarta kooxaha Aragixisada ah,
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin Astaan Qaran oo u taagan difaaca iyo haybada Qaranimada Dalkeena, isagoo bogaadiyay howlgalada ay ku baacsanayaan kooxaha argagixisada ah ee ay ka Wadaan Guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.