Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay laba jibaari doonto taageerada ay siiso Dowladda Puntland, si loo xoojiyo hawlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Balanqaadkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo shalay ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa, Major General, iyo Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Bariga Afrika, Col. Benander.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Puntland ay isla meel dhigeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Daacish, si looga saaro goobo yar oo ay kooxda weli kaga sugan yihiin buuraha Calmiskaad. Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay arrimaha amniga guud ee Soomaaliya, horumarka siyaasadeed, iyo iskaashiga dhinaca horumarinta.
Mareykanka ayaa bogaadiyey guulaha la sheegay in laga gaaray hawlgalada ka socda buuraha Calmiskaad, isla markaana ballan qaaday taageero dheeraad ah oo dhanka sirdoonka, tababarka iyo qalabka ciidan. Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay la tacaaleysay weeraro iyo falal argagixiso oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab, hase yeeshee maamulka ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad.
Iskaashigan sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Puntland ayaa la filayaa in uu horseedo dadaal cusub oo lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada ee gobolka, ayna sare u qaaddo xasilloonida amni ee Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya.