Muqdisho lagu soo dhoweeyay ciyaartooy caalami ah.

Wafdi ballaaran oo ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Wafdigan ayaa ka kooban ciyaaryahanno hore oo Afrikaan ah kuwaas oo caan ka noqday horyaalada qaaradda Yurub iyo tartamada caalamiga ah.

Ciyaartoyda wafdiga hoggaaminaya waxaa ka mid ah halyeeyada caanka ah sida Samuel Eto’o, oo hore ugu ciyaari jiray kooxda Barcelona isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon, Jay-Jay Okocha, oo sumcad weyn ku leh kubadda cagta Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor, oo hore ugu ciyaaray weerarka xulka Qaranka Togo.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah sidii loo horumarin lahaa kubadda cagta Soomaaliya, loogana qiimeyn lahaa xaaladda amniga dalka si loo ogaado in Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta tartamada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Afrika iyo dalalka Carabta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa sheegtay in booqashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo wax weyn ka tari karta horumarinta ciyaaraha dalka iyo kobcinta iskaashiga kubadda cagta ee caalamiga ah.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigan, waxaana hawshaas si toos ah u hoggaaminaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Tani waxay noqonaysaa booqashadii ugu heerka sareysay ee FIFA u soo dirto Soomaaliya muddo ku dhow 35 sano, taas oo muujinaysa sida ay FIFA muhiimad gaar ah u siineyso horumarka kubadda cagta dalka.