Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad rasmi ah oo lagu wareejinayay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee farsamada gacanta lagu sameeyo (C-IED).
Munaasabadda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana qalabkan iyo gaadiidka casriga ah si rasmi ah u gudoonsiiyay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, isagoo ku wareejiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ah cutub khaas ah oo loo xilsaaray hawlaha baarista, ka hortagga iyo burburinta walxaha qarxyada khatarta ku ah nabadda iyo badbaadada dadka.
Qalabkan cusub iyo gaadiidka la socda ayaa qeyb ka ah taageerada joogtada ah ee Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, si loo xoojiyo awoodda ay u leeyihiin la tacaalida khataraha argagixisada iyo ka hortagga weerarrada qaraxyada ee kooxaha xagjirka ah ay adeegsanayaan.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Fiqi, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, isagoo tilmaamay in qalabkan cusub uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh sugidda badqabka ciidanka iyo kordhinta hufnaanta howlgallada lagu beegsanayo kooxada Al-shabaab.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in taageerada Boqortooyada Ingiriiska ay tahay laf-dhabar muhiim ah oo dhanka horumarinta ciidamada iyo sugidda amniga dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu saldhig u yahay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku gaarto nabad waarta, xasillooni siyaasadeed, iyo amni sugan.
Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Danjire Charles King, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dowladdiisu siinayso taageerada ciidamada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in qalabkan uu qeyb ka yahay ballanqaadkii ay dowladdiisu horay u sameysay si kor loogu qaado awoodda la-dagaallanka Al-shabaab ee Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid ay ka muuqato xiriir xooggan oo iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibka la ah, iyadoo lagu xoojinayo halganka ay ciidamada Soomaaliyeed ugu jiraan sidii dalka looga ciribtiri lahaa khatarta Al-shabaab iyo waxyaabaha qarxa ee si xun loo adeegsado.