Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada si loo xoojiyo horumarinta nidaamka tacliinta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Xaruntan cusub oo noqon doonta dhisme casri ah ayaa lagu wadaa in ay qayb weyn ka qaadato horumarinta adeegyada waxbarasho ee dalka, iyadoo lagu xoojinayo dhismaha kaabayaal muhiim ah oo taageeraya nidaamka waxbarashada Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caddeeyey in dhismaha cusub uu astaan u yahay go’aanka iyo dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka ku bixinayso tayeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada, oo ay ugu muhiimsan tahay barbaarinta iyo horumarinta ubadka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in Wasaaradda Waxbarashadu tahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda, maadaama ay mas’uul ka tahay hagidda mustaqbalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka waxbarashada heerar kala duwan leh, laga soo bilaabo dugsiyada hoose illaa jaamacadaha. Waxa uu intaas ku daray in la dhisay Guddiga Tacliinta Sare, si loo xaqiijiyo in dalka uu yeesho nidaam waxbarasho jaamacadeed oo casri ah, u diyaariya ardayda xirfado iyo aqoon tayo sare leh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:
“Wasaaraddan waxa ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan dowladda, waana in si dhab ah loo xoojiyo maadaama ay masuul ka tahay ubadka iyo dhallinyarada doonaya inay wax bartaan. Dowladdu waxa ay waajib ku tahay in ay hubiso goobaha waxbarashada, si carruurteennu ay u helaan jawi ku habboon waxbarashada iyo kobcinta garaadkooda.”

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, isagoo ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta adeegyada waxbarasho, ilaalinta xogta ardayda iyo casriyeynta nidaamka tacliinta. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhismaha cusub uu noqon doono astaan u taagan isbeddelka iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay dhinaca waxbarashada.