Soogalootiga ku sugan dalka Mareykanka oo culeys cusub la soo deristey iyo oo qorsha cusub wada.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu doonayo in wax looga beddelo nidaamka magangelyada caalamiga ah, iyagoo ku dadaalaya in la hakiyo xuquuqda dadka magangelyo doonka ah ee kusoo qulqulaya Mareykanka, islamarkaana dib loogu celiyo nidaamkii qaxootiga ee la dejiyay kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Qorshahan muranka dhalin kara ayaa lagu wado in loo gudbiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si looga dhigo hannaan caalami ah oo dalalka xubnaha ka ah ay u qaataan, una dhaqangeliyaan. Waxa uu dhigaya in qof kasta oo magangelyo doon ah uu codsigiisa ku dalbado waddanka ugu horreeya ee uu soo galo, halkii uu toos ugu wajihi lahaa waddanka uu u hanqal taagayo — sida Mareykanka.

Tani waxay ka dhigan tahay in magangelyo-doonka aan loo oggolaan doonin in ay si toos ah uga codsadaan magangelyo waddamada sida Mareykanka, balse ay sugaan go’aan ka yimaada waddanka ugu horreeya ee ay soo gaaraan. Dal kasta wuxuu fursad u heli doonaa inuu go’aan ka gaaro inuu u oggolaado qofka magangelyo ku meel gaar ah iyo in kale — taasoo sidoo kale meesha ka saaraysa ilaalinta xuquuqaha caalamiga ah ee qaxootiga.

Qorshahan wuxuu si gaar ah u adkeynayaa xeerarka magangelyada, isagoo meesha ka saaraya xuquuqda ay horay ugu lahaayeen magangelyo-doonka Mareykanka, sida helitaanka garsoor madax-bannaan, dacwad racfaan ah, iyo ilaalin sharciyeed. Taas beddelkeeda, qofkii soo galaya waddanka ayaa si toos ah dib loogu celin karaa halkii uu uga yimid — xitaa haddii halkaas ay ku sugayaan xaalado amni darro ama dhibaatooyin bani’aadamnimo.

Maamulka Trump ayaa si cad u muujiyay in ay si weyn uga soo horjeedaan qulqulka magangelyo-doonka ee kusoo wajahan Mareykanka, iyagoo ku eedeeyay nidaamka hadda jira in uu dhiirrigeliyo socdaalka sharci-darrada ah. Siyaasaddan cusub waxay qeyb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu adkeynayo xuduudaha dalka iyo in laga hortago dadka aan sharciyeysnayn ee kasoo talaabaya xadka.

Dadka dhaliilsan qorshahan ayaa sheegaya in uu dhaawacayo mabaadi’da caalamiga ah ee ilaalinta qaxootiga iyo magangelyo-doonka, iyagoo uga digaya Qaramada Midoobay in aysan oggolaan nidaam meel ka dhac ku ah xuquuqda bani’aadamka.

Haddii qorshahani uu meel maro, waxa uu beddel weyn ku keeni doonaa qaabka dunidu u wajahdo arrimaha magangelyada iyo qaxootiga — gaar ahaan saamaynta uu ku yeelan doono dalalka ay duruufaha adag ku qasbaan dadkooda inay ka cararaan.