Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay dowladda Masar, kaas oo ay taageero ugu muujisay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasillinta dalka.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya bogaadineyso islamarkaana abaal uga hayso dhiggeeda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Iyadoo xustay tani ka turjumeyso xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Wasaaraddu waxay sheegtay in yabooha ka yimid masar uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Soomaaaliya ku jirto dagaal dalka lagu xasilinayo, si loo soo celiyo amniga iyo kala dambeynta.
Ka sokow saanad militari iyo tababarro ay u fidiso Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Masar ayaa lagu wadaa in ciidankeedu dhawaan ku soo biiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomnaaliya, kaas oo ay cutubyo ciidamo ah ugu deeqday.