Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xayiran Liibiya oo ka codsaday gurmad, iyadoo xaalado murugo leh soo ifbaxeen

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa muujinaya in bilooyinkii ugu dambeeyay uu aad sare ugu kacay tirada tahriibayaasha Soomaaliyeed ee halkaas gaaraya, iyagoo u sii jeeda dalalka Yurub kana tallaabaya marinada badda ee halista ah, kuwaas oo inta badan gacanta ugu jira kooxaha magafayaasha.

Boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku xiran yihiin xarumo ay gacanta ku hayaan kooxaha magafayaasha, kuwaas oo inta badan dadka ku dhibaateeya xaalado naxdin leh. Dad badan oo kamid ah maxaabiistan ayaa muuqaaladooda lagu faafiyay baraha bulshada, iyagoo si murugo leh uga codsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka in laga soo badbaadiyo.

Muuqaal si weyn bulshada u taabtay ayaa lagu arkay hooyo Soomaaliyeed iyo gabadheeda oo kamid ah dadkaasi, kuwaas oo oohin iyo baryo ku codsanaya in ummadda Soomaaliyeed u gurmato, lana soo badbaadiyo. Muuqaalkan ayaa si weyn loo wadaagay, isagoo abuuray falcelin xooggan oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen naxariis, walaac iyo baaqyo gurmad degdeg ah.

Dhinaca kale, siyaasiin Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee tahriibka dhalinyarada. Waxay ku tilmaameen shaqo la’aanta, fursad la’aanta iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira inay yihiin sababaha ugu weyn ee dhalinyarada ku riixaya safarada halista ah. “Marka qof dhalinyaro ah uusan helin waxbarasho tayo leh, shaqo ama rajo mustaqbal, wuxuu u arkaa in tahriibku yahay waddada keliya ee uu noloshiisa ku badbaadin karo, xitaa haddii ay khatar tahay,” ayuu yiri siyaasi ka hadlay arrintan.

Siyaasiyiinta qaarkood waxay eedda dusha uga tuureen madaxda dowladda Federaalka, iyagoo ku dhaliilay dayaca dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, taas oo ay sheegeen inay sababtay in kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ay dalka isaga baxaan, ayna gacanta u galaan kooxaha magafayaasha ee ku xadgudba xuquuqdooda aasaasiga ah.

Inkasta oo weli aysan jirin war rasmi ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo baxay arrintan, haddana shacabka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si joogto ah u dalbanaya in la sameeyo qorshe midaysan oo lagu badbaadin karo tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya iyo dalalka kale ee ay ku dhibaateysan yihiin.