Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo La Kulmay Wakiillo ka Socda EUCAP Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Kęstutis Lančinskas, Madaxa EUCAP Soomaaliya, iyo Dania Cossa, oo ah Madaxa Howlgelinta ee hay’addaas.

Kulankan gaar ahaaneed oo ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliiska, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhanka tababarada xirfadeed, qalabaynta ciidamada, iyo la-talinta farsamo ee ay bixiso EUCAP si kor loogu qaado tayada iyo awoodda Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxda EUCAP ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed dadaalka muuqda ee uu ku bixinayo horumarinta hay’adda Booliiska, iyagoo xusay in iskaashi joogto ah uu muhiim u yahay sugidda amniga gudaha iyo sare u qaadidda xirfadda Booliska Soomaaliya.

Taliye Asad, oo tan iyo markii uu xilka la wareegay hormuud u ahaa isbeddelada lagu sameynayo qaab-dhismeedka, hab-maamuuska iyo tayeynta Booliiska, ayaa kulanka ku tilmaamay mid miro-dhal leh, isagoo muujiyay sida uu uga go’an yahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa EUCAP iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo awoodaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana la dareemayaa in muddo kooban oo uu xafiiska joogo Taliye Asad uu ku tallaabsaday horumar muuqda, taasoo kor u qaaday kalsoonida bulshada iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera amniga Soomaaliya.

Iskaashigan joogtada ah ee u dhexeeya Booliiska Soomaaliya iyo EUCAP ayaa la filayaa inuu sii socdo, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo heli lahaa ciidan Booliis ah oo xirfad iyo qalabba leh, kuna shaqeeya hannaan sharciyeysan oo waafaqsan mabaadi’da dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.