Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa lagu qabtay shir taariikhi ah oo lagu aas-aasayay Gole Baarlamaan cusub oo mideynaya sharci-dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, kaas oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah dhisidda iskaashi xoojinaya xiriirka labada qaaradood ee dhanka sharciga, siyaasadda, iyo horumarinta.
Shirkan heerka caalami ah ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalayey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Golaha Shacabka, iyo sidoo kale Senator Samiira Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wakiillada Soomaaliya u matalayay madashan ayaa ka qeyb qaatay kulammo rasmi ah, dood-wadaagyo siyaasadeed iyo wadatashiyo muhiim ah, kuwaas oo diiradda lagu saarayay arrimo ay ka mid yihiin:
-
Xoojinta iskaashiga Baarlamaannada dalalka Afrika iyo Aasiya;
-
Kobcinta wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladaha labada qaaradood;
-
Horumarinta iskaashi dhinaca sharci dejinta, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada;
-
Iyo sidii Baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah Gollahan cusub ay isula jaanqaadi lahaayeen dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha wadajirka ah.
Aas-aaska Golaha Baarlamaanka cusub ee mideynaya sharci-dejiyayaasha labada qaaradood ayaa loo arkaa inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo madal rasmi ah oo is-dhaafsi aqoon, waayo-aragnimo iyo iskaashi joogto ah u sahleysa dalalka ka kala socda Afrika iyo Aasiya. Ujeeddadu waa in la abuuro hannaan sharci-dejin oo u adeegaya danta guud ee dadka labada qaaradood, islamarkaana kor u qaadaya nabadda, horumarka, iyo midnimada.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya sida dalka Soomaaliya uga go’an tahay ka qeybqaadashada madal kasta oo lagu horumarinayo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo loo marayo hannaan Baarlamaan oo matala shacabka, waxna ka tara koboca siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee dalalka xubnaha ka ah Gollahan cusub.