Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinaysay ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.
Kulankan ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada la xiriira horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, oo soo dhaweyn diirran u muujiyay Danjiraha cusub, ayaa sharaxay shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla Golaha, isagoo si gaar ah u tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo saldhig u ah dowlad-dhiska dalka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama maarmaan u tahay in shuruucda muhiimka ah la ansixiyo, si loo dardargeliyo geeddi-socodka dowlad-wanaagga iyo xoojinta hay’adaha.
Dhankiisa, Danjire Francesca Di Mauro ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha soo dhaweyntiisa, waxayna bogaadisay dadaallada Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah iyo kaalin muuqata oo ay ka qaataan dib-u-habaynta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxay sidoo kale caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sharci-dejinta, iyadoo la siinayo taageero siyaasadeed iyo mid farsamo oo lagu garab istaagayo dadaallada dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo hirgelinta dastuur dhammeystiran.