Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xaruntan oo si heer sare ah loo dhisay, isla markaana loo qalabeeyay tignoolajiyad casri ah, ayaa loogu talagalay in ay xoojiso awoodda ciidan ee dalka, kana qaybqaadato sugidda amniga iyo difaaca qaranka.
Madaxweynaha, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xaruntan ku sifeeyay mid astaan u ah dadaallada joogtada ah ee dowladdu gelinayso dhismaha iyo tayeynta hay’adaha difaaca. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in tignoolajiyada casriga ah ee xarunta lagu rakibay ay si weyn u fududeyn doonto qorsheynta istiraatiijiyadda ciidamada, kanaalin doonto hawlgallada muhiimka ah ee ay wadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ammaan iyo bogaadin u jeediyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in horumarka muuqda ee laga gaarayo dhanka difaaca uu yahay mid ay suurageliyeen dadaalka aan kala go’a lahayn ee shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.
Intaa kaddib, Madaxweynaha ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ka dhageystay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha la taaban karo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka gaareen furimaha dagaalka. Warbixintaasi waxay si gaar ah diiradda u saartay guulihii laga soo hooyay dagaallada ka dhacay gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada ay guulo muhiim ah ka gaareen, kuna dhirbaaxeen kooxaha argagixisada.
Daahfurka xaruntan cusub iyo guulaha ay ciidamadu gaareen waxay caddeyn u yihiin dadaalka dowladda Federaalka iyo u heellanaanta ay u leedahay dhismaha ciidan qaran oo awood leh, lehna tayo iyo tababar casri ah si uu u ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka.