Wasiir hore oo dal weyn ku eedeeyey dilka nabadoon lagu duqeeyey gobolka Sanaag.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa si kulul ugu eedeeyay Imaaraadka Carabta in ay ka dambeeyeen duqeyntii dhawaan ka dhacday deegaanka Jiicaanyo ee gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay nabaddoon Cumar Cabdullaahi Cabdi. Eedeyntan ayaa ka dhalatay qoraal uu Wasiirku soo dhigay bartiisa X, halkaas oo uu ku faahfaahiyay xogta weerarka iyo caddeymo la sheegay in laga helay goobta.

Cabdisaciid ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Drone, taas oo uu tilmaamay inay tahay nooca Shiinaha farsameeyo ee Wing Loong II, islamarkaana la og yahay in Imaaraadka uu hore uga adeegsaday goobaha dagaallada ka socda. Wuxuu intaas ku daray in burburkii laga helay goobta uu muujinayay qaybo diyaaradeed oo calaamado Ingiriisi ah wata, kuwaas oo aan caadiyan lagu qorin madaafiicda balse loo isticmaalo diyaaradaha noocan ah.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in gaariga uu la socday Caaqilku lagu dhuftay laba ilaa saddex gantaal, hase yeeshee ilaa iyo hadda cid masuuliyadda weerarka sheegatay ma jirto. Wasiirkii hore ayaa sheegay in Imaaraadka uu saldhig ciidan ku leeyahay magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku rakibeen qalab raadaar ah oo taageera hawlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sii xoojineysa tuhunka ku aaddan ka qaybgalka Imaaraadka ee weerarka.

Cabdisaciid wuxuu sidoo kale xusay in AFRICOM (ciidanka Maraykanka ee Afrika) ay caado ka dhigteen inay si rasmi ah u shaaciyaan duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, balse aysan jirin wax war ah oo ay ka soo saareen weerarka Jiicaanyo. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid shaki sii abuuraysa, maadaama ay caddeymo muuqda jiraan balse aamusnaan ka jirto dhinacyada caalamiga ah.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu dib u xusuusiyay kulan uu dhowaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni la yeeshay odayaasha Sanaag, Haylaan iyo Bari, isagoo tilmaamay in Imaaraadka aysan ku faraxsanayn mowqifka odayaasha ee ku saabsan maamulka kheyraadka gobolka Sanaag. Taas ayuu ku macneeyay mid ka mid ah sababaha suuragalka ah ee ka dambeeya weerarka.

Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku adkeystay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee Imaaraadka lagu eedeeyo beegsiga dadka shacabka ah, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin ka dhacay Puntland, Yemen iyo dalal kale oo ay ku lug lahaayeen hawlgallo ay ku dhinteen dad rayid ah.

Ugu dambayn, Wasiirka hore ayaa ugu baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo hufan si loo ogaado cidda dhab ahaan weerarka fulisay, loona xaqiijiyo in dadka Sanaag helaan cadaalad iyo isla xisaabtan cad, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caddeymaha la hayo ay si weyn u muujinayaan faragelinta Imaaraadka ee arrintan.