Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo Istanbul kula kulmay Wasiirka Warshadaha Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir. Kulankaasi ayaa qayb ka ahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, kuwaas oo ku wajahan horumarinta dhaqaalaha, hal-abuurka iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada hal-abuurka iyo teknoolajiyadda casriga ah. Waxa kale oo kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay u helaan fursado waxbarasho iyo tababbarro ku saabsan tiknoolajiyadda heer caalami ah, taas oo kaalin muhiim ah ka qaadan doonta kobcinta horumarka dalka.

Wasiir Cabdulkaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa si gaar ah u bogaadiyey kaalinta dowladda Türkiye ee qabanqaabada TEKNOFEST 2025, kaas oo loo aqoonsan yahay bandhigga ugu weyn adduunka ee ku saabsan duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyadda casriga ah. Waxa uu sheegay in bandhiggan uu fursad u noqon doono Soomaaliya iyo dhallinyaradeeda, si ay uga faa’iideystaan waayo-aragnimada iyo hal-abuurka teknoolajiyadeed ee caalamiga ah.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu xusay sida ay muhiimka u tahay in iskaashiga labada dal loo adeegsado horumarinta adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya, maadaama adeegyadaasi ay laf-dhabar u yihiin koboca dhaqaalaha iyo isku xirka bulshada. Wasiirka Soomaaliya ayaa tilmaamay in iskaashiga adag ee lala yeesho saaxiibada istiraatiijiga ah, gaar ahaan Türkiye, uu gacan ka geysan doono sidii loo dhisi lahaa kaabayaal waara oo taageera adeegyada badda iyo horumarka ganacsiga dalka.