Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadam (Soomaali), ayaa inta uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU) waxa uu la yeeshay kulamo istiraatiiji ah oo muhiim ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya, iyo sidoo kale wufuud heer qaran ah oo ka socotay dalalka Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.
Kulammadan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhanka boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo lagu gorfeeyey sidii loo horumarin lahaa nidaamyada isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items). Arrintan ayaa si weyn muhiim ugu ah Soomaaliya maadaama ay dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah kaddib sanado badan oo hakad ku jiray.
Wasiir Maxamed Aadam (Soomaali) ayaa kulanka ka caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho dalalka gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada gudaha dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka iyo nidaamyada caalamiga ah.
Dhiggiisa Kenya, iyo sidoo kale wufuudda ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta, ayaa dhankooda ku bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada boostada. Waxay muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, gaar ahaan dhanka tababarrada, taageerada farsamo iyo fududeynta isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha boostada.
Kulammadan ayaa qayb muhiim ah ka ah istiraatiijiyadda dowladda Soomaaliya ee ku wajahan dib-u-soo celinta kaalinta boostada ee dalka, iyo sidii Soomaaliya si rasmi ah ugu dhex milmi lahayd nidaamka caalamiga ah ee is-dhaafsiga boostada. Tallaabadani waxa ay kaalin muuqata ka qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka, fududeynta ganacsiga, iyo xoojinta isku xirnaanta bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba.