Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bihi Iimaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka dib-u-eegista afaraad ee Barnaamijka Kaalmada Dhaqaale ee Waqtiga Dheeraada (ECF), kaas oo Soomaaliya la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF). Kulankan ayaa ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana lagu tilmaamay mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta maamulka maaliyadda dalka.
Kulanka dib-u-eegista ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta guulaha laga gaaray barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaale tan iyo markii la bilaabay ECF, iyo sidoo kale horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dadweynaha (PFM). Waxaa sidoo kale lagu falanqaynayaa caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, iyadoo la adkaynayo wadashaqeynta Soomaaliya iyo IMF.
Wasiir Bihi Iimaan Cige oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu kulankani leeyahay, isagoo carrabka ku adkeeyay daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo sii wadista dadaallada lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka.
“Waa fursad muhiim ah oo aan dib ugu eegayno horumarka aan ka sameynay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maareynta maaliyadda dadweynaha. Waxaan sidoo kale xaqiijin doonaa wadashaqeynta sii socota ee aan la leenahay IMF si aan u gaarno koboc dhaqaale oo waara,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Kulankan oo socon doona dhowr maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la wadaagi doona IMF qorshayaasha horumarineed ee dowladda, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Barnaamijka Kaalmada Dhaqaale ee Waqtiga Dheeraada (ECF) ayaa ah mid Soomaaliya kaalin weyn uga jira taageerada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida dhaqaalaha, dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaale ee dalka, si loo helo koboc dhaqaale oo joogto ah.