Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ka Daahfuray Aqoon Isweydaarsi Lagu Xoojinayo Maareynta Waxqabadka Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Gaani, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray aqoon isweydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saarayo “Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku Saleysan.”

Aqoon isweydaarsigan oo ah mid sare u qaadaya fahamka iyo kartida hay’adaha dowladda ee ku aaddan qorsheynta iyo hirgelinta adeegyada dadweynaha, ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 70 sarkaal oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood door muuqda ku leh howlaha horumarineed ee dowladda.

Mudane Xirsi Gaani, oo furitaanka madasha ka jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo aragti fog xambaarsan, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan nidaam cad oo lagu cabbiro waxqabadka, laguna hago adeegyada ay u hayaan shacabka, si kor loogu qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

“Waxaan dooneynaa in adeegyada dowladda ay noqdaan kuwo natiijo la taaban karo leh, oo si toos ah u taabanaya nolosha muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Ujeedka aqoon isweydaarsigan ayaa ah in la xoojiyo kartida shaqaalaha dowladda ee dhanka qorsheynta, dabagalka waxqabadka, qiimeynta, iyo la socodka natiijooyinka — taasoo muhiim u ah gaarista yoolalka horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan aqooneed wuxuu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ku horumarinayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan sidii loo dhisi lahaa nidaam dowladeed oo ka jawaaba baahiyaha shacabka, kuna saleysan isla xisaabtan, hufnaan, iyo adeeg daahfuran.