Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan iyo deganaansho la’aan ay weli ka jirto deegaanada hoostaga degmada Luuq, halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.
Dagaalkan ayaa ka dhacay dhul ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Luuq iyo deegaanka Yurkud, waxaana la sheegay in si xooggan loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan afar qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay tiradaas.
Inkasta oo dagaalka la sheegay inuu si iskood ah u istaagay, hadana weli waxaa jira cabsi dagaal kale oo dib u qarxa, maadaama maleeshiyaadka labada dhinac ay wali is horfadhiyaan, hubna ay sii uruursanayaan.
Mabadoon Cabdi Muuse Cusmaan, oo ka mid ah odayaasha deegaanka, ayaa sheegay in dagaalku saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka rayidka ah, isagoo ku baaqay in colaadda la joojiyo laguna beddelo wadahadal iyo is afgarad.
“Dhibaatada ugu weyn waxay ku dhacaysaa dadka shacabka ah. Guryaha ayaa gubtay, ganacsigii waa istaagay, dadka qaarkoodna waa barakaceen,” ayuu yiri Mabadoon Cabdi Muuse Cusmaan.
Deegaanka Luuq iyo nawaaxigiisa ayaa dhowr jeer oo hore marti u noqday dagaallo beeleed sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, waxaana dagaalkaan cusub uu muujinayaa in wali loo baahan yahay xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha soo noqnoqda.
Beelaha shalay dagaallamay ayaa horay u dhexmaray colaad kale oo horseeday khasaare badan, taas oo sare u qaaday walaaca bulshada deegaanka ee ku aaddan sii socoshada rabshadaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin dagaalkan ugu dambeeyay, hase yeeshee shacabka deegaanka ayaa codsanaya in si degdeg ah loo soo farageliyo, lana abuuro hannaan nabadeed oo xasillooni waarta lagu gaari karo.