Xaruun cusub oo ciidanka Haramcad oo xariga laga jarey.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu furayay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Haramcad, taasoo dib-u-dayactir iyo dib-u-habeyn casri ah lagu sameeyay muddooyinkii u dambeeyay. Munaasabaddan ayaa si rasmi ah loogu qabtay xarunta Taliska Haramcad, iyadoo ay ka soo qaybgaleen saraakiil sare, marti sharaf, iyo wakiillo caalami ah.

Xafladda xarig-jarka xarunta ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socday Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macallin, iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, ayaa hadal dhiirrigelin iyo bogaadin leh u jeediyay Taliyaha Haramcad. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, isagoo ku ammaanay hoggaan wanaagga uu muujiyay iyo sida uu is xilqaamay si uu dib-u-dhis ballaaran ugu sameeyo xarunta Taliska. Sidoo kale, waxa uu xusay in dadaalkaas uu qeyb weyn ka yahay horumarinta tayada iyo awoodda ciidamada booliska ee dalka.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan Safaaradda Turkiga, oo goobta ka hadlay, ayaa si weyn u hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad. Waxay xuseen in xarunta cusub ay noqotay mid casri ah oo la jaanqaadaysa baahiyaha ciidamada, ayna muujinayso horumar iyo hufnaan ka muuqata hannaanka shaqo ee cutubka Haramcad.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd mid muujinaysa horumarka laga gaarayo dib-u-habeynta hay’adaha amniga, gaar ahaan qeybaha gaarka u ah la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sugidda ammaanka gudaha. Xarunta cusub ee Haramcad ayaa loo arkaa inay noqoneyso xudun muhiim ah oo lagu tababaro laguna hago howlaha adag ee ciidamada Haramcad ka qabtaan gudaha dalka.