Xeer-nidaamiyeyaasha Daawada kulan looga hadlaayey oo Muqdisho ka furmey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga ee Xeer-Nidaamiyayaasha Daawada iyo Agabka Caafimaadka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda KMG ah ee Daawada Soomaaliya. Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la-tashiyo lala yeesho hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka, si loo helo aragti mideysan oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka dalka.

Xeerarkan cusub ayaa diiradda lagu saaray sidii loo nidaamin lahaa daawada iyo agabka caafimaadka laga soo bilaabo shirkadaha soo saara ilaa heerka uu bukaanku isticmaalayo, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dammaanad qaadi doonto tayada, badqabka iyo waxtarka daawooyinka lagu isticmaalo gudaha dalka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyay in ay ku biiriyaan talooyin iyo khibrado wax ku ool ah, si loo suurtageliyo sharciyo iyo nidaamyo dammaanad qaada badqabka bulshada isla markaana kaalin muuqata ka qaata horumarinta ganacsiga daawada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorshahani uu muhiim u yahay dhisidda nidaam caafimaad oo la jaanqaadi kara heerarka gobolka iyo caalamka.

Ka qeybgalka Wasiirka ee barnaamijkan ayaa loo fasiray inuu yahay caddeyn ka turjumaysa siyaasadda Wasaaradda ee ku wajahan nidaaminta iyo maaraynta daawooyinka iyo agabka caafimaadka, iyadoo xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegyada caafimaadka si ay bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg caafimaad oo ammaan iyo tayo leh.