Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka uu furmi doono maalinta Sabtida ah, oo ku beegan 20-ka bisha September ee sanadka 2025.
Kalfadhigan cusub ayaa furmaya kaddib dib u dhacyo dhowr jeer dhacay, kuwaas oo sababay in laga baaqsado waqtigii hore loogu qorsheeyay in la furo. Waxaa si gaar ah muhiimad u leh in furitaanka kalfadhigan uu kusoo beegmayo xilli la galay dhammaadka muddo xileedka rasmiga ah ee Baarlamaanka, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda kulanka, xilli ay wali taagan tahay mugdi siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka iyo nooca doorasho ee dalka laga qaban doono.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo doodaha siyaasadeed ee u dhaxeeya saamilayda siyaasadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wali aan si buuxda xal loogu helin, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn isha ugu hayaan go’aannada kasoo bixi doona kalfadhigan oo lagu wado in uu yahay mid xasaasi ah.
Guddoonka labada Aqal ayaa rajo ka muujiyay in kalfadhigan uu horseedi doono go’aamo muhiim ah oo lagu xallin karo caqabadaha horyaalla dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka, iyo dhameystirka sharciyada muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.
Furitaanka kalfadhiga 7-aad ayaa sidaas darteed noqon doona mid si gaar ah loo eegayo, maadaama uu yahay fursad siyaasadeed oo ay Baarlamaanku ku caddeyn karaan mowqifkooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.