Trump oo dogniin adag u direy dalka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin adag u diray maamulka Iran, isaga oo uga digay in ay dil ama tacaddi u geystaan dibadbaxayaal nabadeed oo maalmahan ka mudaharaadayay dalkaasi, xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhaxeysa Washington iyo Tehran.

Qoraal kooban oo uu Trump ku daabacay bartiisa bulshada, ayuu ku sheegay in Mareykanku si dhow ula socdo xaaladda Iran, isagoo xusay in Washington ay u taagan tahay difaaca dibadbaxayaasha nabadeed. “Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” ayuu yiri Trump, inkasta oo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin nooca tallaabooyinka ay qaadi karaan ama waqtiga ay dhici karaan.

Dhanka kale, lataliye sare oo ka tirsan hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa si degdeg ah uga jawaabay hadalka Trump, isaga oo uga digay in uu “ka taxaddaro” hadii uu ku lug yeesho arrimaha gudaha ee Iran. Lataliyaha ayaa sheegay in faragelin kasta oo Mareykanku sameeyo ay keeni karto qalalaase hor leh oo ku fida Bariga Dhexe, isla markaana sii hurin karta xiisadda ka taagan gobolka.

Digniinta Trump ayaa imaneysa xilli ay Iran ka socdaan mudaaharaadyo ballaaran oo qaatay ku dhawaad todobaad, kuwaas oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya, sicir-barar, shaqo la’aan iyo cadaadis nololeed oo soo foodsaaray shacabka. Sida ay wararku sheegayaan, ugu yaraan sideed qof ayaa lagu dilay dibadbaxyadaasi, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kaddib isku dhacyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidammada ammaanka.

Jimcihii, qoraal kale oo uu Trump ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu si cad u sheegay:
“Haddii Iran ay toogato ama si arxan-darro ah u disho dibadbaxayaasha nabdoon, taas oo ah caado ay leeyihiin, Mareykanka wuxuu u imaan doonaa badbaadintooda.”

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa sii xoojiyay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo indhaha caalamku ay si gaar ah ugu jeedaan sida ay xaaladdu isu beddeli doonto iyo haddii ay horseedi karto tallaabooyin cusub oo siyaasadeed ama amni oo saameyn ku yeesha guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.