Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Laascaanood ku guddoomiyay shir amni oo muhiim ah, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo diyaar-garowga munaasabado waaweyn oo la filayo in ay ka dhacaan magaalada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qorshayaal amni oo lagu xaqiijinayo xasilloonida magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran.
Intii uu shirka socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta amniga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, taas oo lagu tilmaamay dhacdo u baahan feejignaan amni oo sare. Masuuliyiinta ayaa isla qaatay in la kordhiyo isku-dubbaridka ciidamada kala duwan, lana adkeeyo kormeerka amni si looga hortago fal kasta oo carqaladeyn kara munaasabadda.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay maamulka Waqooyi Bari, isla markaana ay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amni buuxa inta ay socdaan munaasabadaha rasmiga ah. Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay heegan buuxa ku jiri doonaan, si loo sugo nabadda iyo badqabka shacabka iyo martida ka qeybgaleysa caleema-saarka.














