Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.
Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.
Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda.
Dadkaan ayaa isugu jira ,Carruur, Haween iyo waayeel intaba.
Qaar ka mid ah dadka xabsiga ku jira ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan haween xabsiga ku dhex umulay saacaddihii lasoo dhaafay.
Meesha hadda ay ku sugan yihiin ayay sheegeen in ay ku qabaan dhibaatooyin badan sidda Caafimaad daro.














