2019-kii Afghanistan 3400 oo qof ayaa ku dhimatay

Qaramada Midoobe ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in colaadda dalka Afghanistan ay ku dhinteen 3400 oo qof ayna ku dhaawacmeen 7 kun oo kale sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2019.

Howlgalka QM ee Afghanistan ee loosoo gaabiyo UNAMA ayaa ku eedeeyey kooxaha Taliban, ISIS iyo mintidiin kale iney sabab u ahaayeen 49% dadka geeriyooday.

QM ayaa intaa ku dartay in ciidamada taabacsan dowladda iyo kuwa Isbahaysiga uu Mareykanku ku jiro ay sababeen 43% dadka ku nafwaayay colaadda Afghanistan sanadkii hore halka 6% ay sababsadeen isku dhacyo kale.

Warka QM ayaa imanaya iyadoo heshiis xabad joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo colaadda ay maanta ka dhaqangaleyso Afghanistan taasi oo wadada u xaareysa in Mareykanku uu heshiis nabadeed la saxiixdo kooxda Taliban 29-ka bishan, taasi oo lagu raja weyn yahay iney soo afjarto colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi, oo noqotay tii ugu waqti dheereyd ee uu Mareykanku ku lug yeesho.