Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiillada

IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.

Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.
Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka.

Ilhaan oo kursigeeda difaacaneysay ayaa ku guuleysatay codad ka badan kuwii ay u baahneyd inay kusoo baxdo. Sidaas waxay ku noqotay musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee doorashada uga qeyb gali doona bisha November.

Waxay doorashadaas ku wajihi doontaa musharraxa kasoo jeeda dhinaca xisbiga Jamhuuriga. Xisbiga Dimuqraaddiga ayaan wax walwal ah ka qabin natiijada doorashada November ay ka fileyso Ilhaan.

40-kii sano ee ugu dambeysay ayuu xisbigan ku xoogganaa gobolkaas.