Wafdi iskugu jiray Wasiiro Xildhibaano oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Ali Siciid Fiqi ayaa maanta gaarey Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool,
Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Xudur ku soo dhaweeyey Maamulka Gobolka kan Degmada Xudur isku duwayaasha Wasaaradaha Odayaasha dhaqanka Waxgaradka Siyaasiinta Dhalinyaradda Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xudur .
Soo dhaweyn kadib wafdiga oo iskugu jiray Wasaaradaha Arrimaha gudaha Dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,Wasaarada
Gargaarka,Cadaaladda,Xanaanada ,Tamarta,Diinta, Caafimaadka,Waxbarashada,Shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa loo galbiyey Guriga Martida oo Warbaahinta ay kula hadleen,
Guddoomiyaha degmada Xudurka oo hadlay ayaa kusoo dhaweeyay degmadaas Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo madaxda la socda,waxaana uu sheegay in gudoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee taga Gobolka Bakool.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in u jeedka safrkooda uu yahay inay u kuurgalaan xaalada degmada Xudur iyo degaannada hoostaga, sidoo kalena ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo Bulshada degmada.
Wafdigan ayaa inta uu ku suganyahay Degmada Xudur waxaa lafilayaa in waxyaabo badan oo dhinacyo kala duwan leh ay halkaasi ay ka qaban doonaan.














