Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka casriga ah ee PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso ammaanka xuduudaha dalka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka gudaha iyo dibadda u kala goosha.
Munaasabadda rasmiga ah ee lagu daahfuray nidaamkan iyo xiritaanka tababar la xiriiray adeegsiga PISCES, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka kala socotay hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in hirgelinta nidaamka PISCES ay tahay talaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka soo gala ama ka baxa dalka, Xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira iyo Sugidda amniga qaranka si waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Wasiir Fartaag ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay saraakiisha HSJ ee tababarka dhammeystay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si hufan u adeegsadaan aqoonta cusub ee ay heleen si loo xaqiijiyo adeeg hufan oo sugan.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay mid casri ah oo lagu horumarinayo maamulka socdaalka dalka, taasoo kor u qaadaysa Tayada adeegyada socdaalka, Sugidda amniga garoomada iyo xuduudaha dalka iyo La socodka xogta dadka iyadoo la adeegsanayo nidaam xog ururin ammaan ah.
Agaasimaha ayaa xusay in nidaamkan uu yahay bilowga dib-u-habeyn baaxad leh oo lagu sameynayo nidaamyada socdaalka Soomaaliya.
Wakiilka dowladda Mareykanka, Mr. Bob, oo madasha ka hadlay, ayaa carabka ku dhuftay in taageerada Mareykanka ee hirgelinta nidaamka PISCES ay muujineyso kalsoonida iyo saaxiibtinimada qotada dheer ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Mareykanka. Wuxuu sheegay in nidaamkan uu Soomaaliya ka caawin doono sugidda amniga iyo la dagaalanka dambiyada xuduudaha laga soo galo.
Daahfurka nidaamka PISCES ee garoonka Muqdisho ayaa ah guul horumarineed oo dhinaca amniga iyo maamulka socdaalka ah, wuxuuna muujinayaa in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu socoto dhanka xasiloonida, adeeg hufan iyo la jaanqaadida nidaamyada caalamiga ah.
Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ballan qaaday in nidaamkan lagu ballaarin doono xarumo kale oo muhiim ah si loo gaaro badbaado qaran oo waarta.














