Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Daawada, kaas oo muhiim u ah nidaaminta, tayeynta iyo ilaalinta adeegyada la xiriira daawooyinka dalka.
Kulanka maanta ayaa inta uu socday waxaa si qoto dheer looga dooday hindisaha sharcigan, kaddibna cod loo qaaday, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, halka hal xildhibaan uu ka aamusay, mana jirin xildhibaan diiday ansixinta sharciga, taas oo muujinaysa isku-raac ballaaran oo ay xildhibaannadu ka gaareen muhiimadda sharcigan.
Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Sharciga Daawada ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka, isla markaana lagu hubinayo in daawooyinka la keeno, la qaybiyo lana isticmaalo ay waafaqsan yihiin heerarka caafimaad iyo sharci ee qaranka.














