Maxaa loo lugooyaa tallaabooyinka hormarineed ee Soomaaliya ay qaado.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee si xilkasnimo iyo masuuliyad leh uga hor yimid damaca Israa’iil ee ay ku doonaysay inay aqoonsi ama xiriir gaar ah u fidiso Maamulka Somaliland. Qoraal ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran loogu jeediyey dhammaan beesha caalamka ee si cad u taageertay madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran ayaa mar walba mudnaan gaar ah siinaysa adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo qaadday tallaabooyin isugu jira kuwo siyaasadeed, sharci iyo diblomaasiyadeed, kuwaas oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 1-da Janaayo 2026 si rasmi ah ula wareegtay Guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana inta lagu guda jiro bisha ay xilka hayso ay noqon doontaa dalka shir-guddoominaya Golaha Ammaanka. Waxaa la filayaa in Soomaaliya ay hagto kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo nabadda iyo amniga caalamka, arrintaas oo loo arko tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga dhex muuqanayso go’aannada waaweyn ee caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkan Guddoominta Golaha Ammaanka uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah. Guddoominta Golaha Ammaanka ayaa si wareeg ah ugu dhacda dalalka xubnaha ka ah bil kasta, waxaana Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah, taas oo astaan u ah dib-u-soo kabashada, xasilloonida iyo horumarka xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Dhanka xiriirka caalamiga ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Rajab Dayib Erdogan, ayaa mar uu khudbad ka jeedinayey Salaaddii Jimcaha ee shalay Masjidka Cali Bin Abii Dhaalib ee magaalada Istanbul, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Natanyahu ku tilmaamay “Fircoonka xilligan”, isagoo sheegay in uu mar uun mutaysan doono ciqaab la xiriirta xasuuqa carruurta, haweenka iyo shacabka lagu laayay Gaza.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la yeeshay dhiggiisa Turkiga, kaddib wada-hadallo qoto dheer oo labada hoggaamiye yeesheen. Madaxweynaha ayaa sheegay in inkastoo Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga shaqeyneyso difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dalka, haddana taasi aysan ka mashquulin ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo ay shacabku ka faa’iideystaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo dhaqaale, isla markaana horseedi kara abuurista shaqooyin, koboca dhaqaalaha iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan-qaadnay, waxaan u howlgalnay sidii loo ogaan lahaa loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alle mahaddii, maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas. Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in khayraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka. Waxaa sidoo kale magaalada Istanbul lagu shaaciyey in markab qodaya gunta hoose ee badda uu dhowaan u soo dhaqaaqi doono si loo bilaabo soo saarista shidaalka iyo gaaska ku jira badaha Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale soo gabagabeeyey naqshadeynta iyo daraasadda suurta-galnimada deked ay ka hirgelin doonto Soomaaliya, waxaana durba la bilaabay wejigii koowaad ee dhismaha dekeddaasi.

“Maalgashigii hore ee Turkiga ayaa si weyn u furay suuqa Soomaaliya, isla markaana dhiirrigeliyey maalgashi shisheeye, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo gaaska, iyadoo Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay noqoto waddan laga soo saaro saliid,” ayuu Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay warbaahinta qaranka Turkiga.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu weli haysto taageerada beesha caalamka, inkastoo uu xusay in arrinta la xiriirta Israa’iil iyo Somaliland ay tahay mid xasaasi ah, gaar ahaan marka loo eego xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe, Suuriya iyo Lubnaan, iyo welwelka ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo uu ku tilmaamay gobol aad u kacsan.

Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta mar kasta oo ay Soomaaliya qaaddo tallaabo horumarineed ay u soo baxaan caqabadaha iyo faragelinta shisheeye, sida is-afgaradkii beenaad ee Itoobiya iyo Somaliland 1-dii Janaayo 2024, iyo damaca cusub ee ay wadaan Sahyuuniyadda Yahuudda, taas oo si cad ay uga hor timid beesha caalamka. Falanqeeyeyaasha arrimaha siyaasadda ayaa arrintan ku soo koobay in sababtu tahay cabsi laga qabo in Soomaaliya ay noqoto dowlad awood leh oo ka hanaqaadda dhinacyada siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha, isla markaana si muuqata uga dhex muuqata fagaarayaasha caalamka, kuna tallaabsata tubta horumarka iyo isbeddelka togan.