Siyaasiga Aadan Saransoor ayaa eedeyn ujeediyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo Guddiga doorashada Koofur Galbeed isagoona ku eedeeyay iney Mususq-Maasuqeen doorashada ka socota Magaalada Baydhabo.
Aadan Saran Soor oo kamid ahaa xildhibaanada ku tartameysay kursi kamid ah Kuraasta taala Magaalada baydhabo ayaan doorashada galin sida uu sheegay kadib markii aan lagu soo wargalin Doorashada.
SaranSoor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cabashadiisa uu ugudbiyay Guddiga Xalinta Khilaafaadka uuna ka wardhowrayo go’aanka ay ka soo saaraan Doorashada.
Waxa uu sheegay in xili habeen ah kursigiisa lagu tartamay, Magaalkana uu ka maqlay iney doorashada socoto .
Intaasi kadib Ciidankiisa ayaa qafaashay laba kamid ah ehelada Madaxweyne Sahriif Xasan oo mudo Saacada ah ay heysteen, balse dood dheer kadib ayaa la sii daayay.
Dhinaca Kale waxa uu eedeyn ujeediyay Ciidanka AMISOM ee ka socda Dowladda itoobiya.














