Abaabulka Mooshin oo ka socda Garowe

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni uu guddoonka Baarlamanka ka codsaday in hal maalin lagu daro wakhtiga furitaanka Kalfadhiga oo ku beegan 25-ka bishan October 2021.

Wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka ee lagu ansixiyay Kal-fadhigii hore waxa ku jiray qodoba muran dhaliyay oo uu kamid yahay in guddoonka iyo xildhibaannada lagu ridi karo 44 cod.