Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.
Filsan Cabdullaahi Axmed , oo ah haweenay u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka ayaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka , dhallinyarada iyo Carruurta xukuumadda Federaalka Itoobiya.
“Maareeyaha guud ee Nabad TV, Marwo Filsan Cabdullaahi Axmed , ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Arrimaha Haweenka, Dhallinyarada iyo Carruurta ee dalka Itoobiya.” ayuu baahiyay telefishinka Nabad ee ka howlgalla deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Filsan Cabdullaahi , ayaa ka mid aheyd qurbajoogta gobolka Soomaalida ,iyadoo muddo kooban ku noqotay dadka saameynta leh ee gobolka ka soo jeeda, waxay aas aastay telefishinka kaliya ee madaxa bannaan deegaanka ee Nabad tv.














