Kulamo iyo shirar kala duwan oo sheikh abuu mansuur looga dalbanaayo in uu isa soo sharaxo oo kasocoda wadamo kala duwan oo ingiirska kamid yahay
Tan iyo markii uu soo shaac baxey war sheegayey in sheikh mukhtaar roobow cali uu musharax u yahay madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa bilowdey kulamo iyo shirar lagu dhiira gelinaayo sheekha in uu qabto kana dhabeeyo arintaas ayadoo mar qura ay bilaabmeen dhaq dhaqaaqyo lagu taageeraayo sheekha.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Aqoonyahada dhalinyarada, haweenka iyo culamaaudiinka ayaa bilaabey kulamo ay ku dhiira gelinayaan sheekha in uu qabto hogaanka koonfur galbeed soomaaliya,
Abaabuladaan ayaa waxey si isku mid ah uga socodaan dalka kugadihiisa iyo dibadiisa ayadoona jaaliadaha reer koonfur galbeed soomaaliya ay bilaabeen in ay abaabulaan shirar sidii ay ugu dhiira gelin lahaayeen in uu qabto hogaanka koonfur galbeed soomaaliya
Jaaliyadaha koonfur galbeed ee mareykanka, ingiriiska iyo Austaralia ayaa la sheegey in sheekha ay qadka telfoonka kala soo xiriireen ayagoona shaac ka qaadey in gudiyo lashaqeeya sheekha ay soo magacaabi doona maalmaha nagu soo fooda leh.
Dhanka kale magaalooyinka mogadisho, baydhabo, xudur iyo kismaayo ayaa lasheegey in ay kasocodaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan bulashada reer koonfur galbeed kulamadaas oo looga arinsanaayo sidii ay u garab istaagi lahaayeen mushaxnimada sheekha.
Si kastaba ha ahaatee waxaa maalmahan sii kordhaya teegeerada loo haayo musharx madaxweyna sheikh abuu mansuur waxaana lafilayaa in musharaxnimadiisa uu ku dhwaaqo 1da October soosocota sanadkaan.














