War cusub oo kasoo baxay dowladda Eritrea ayaa daaha ka rogaya in madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Eritrea, Isayas Afewerki, taariikhdu markay ahayd 30-ka July 2025. Sida uu shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamane Gabremeskel, warqaddaas ayaa xambaarsaneyd fariin muujineysa rabitaanka Trump ee ku aaddan in dib loo soo celiyo xiriirkii ixtiraamka ku dhisnaa ee u dhaxeeyay labada dal.
Wasiir Yamane ayaa bartiisa X (Twitter hore) ku qoray in Trump uu warqaddaas ku sheegay in “Washington ay diyaar u tahay inay dib u hagaajiso xiriirkii wax dhiska ahaa ee ay la lahayd Asmara.” Waxa uu intaa ku daray in xiriir ku saleysan run, ixtiraam iyo isu tanaasul uu horseedi karo nabad waarta oo ka hana qaadda Bariga Afrika iyo Badda Cas.
Farriinta Trump ayaa sidoo kale ka hadashay siyaasadda dibadda ee Mareykanka, isagoo ku eedeeyay maamulka Joe Biden inuu sababay burbur iyo qalalaase siyaasadeed oo baahsan, gaar ahaan ku wajahan Afrika. Trump wuxuu ballan qaaday in haddii uu mar kale la wareego hogaanka Mareykanka, uu dib u hagaajin doono waxyeeladii ka dhalatay siyaasaddii Biden.
Maamulka Joe Biden ayaa horey cunaqabatayn u saaray hay’adaha amniga Eritrea iyo kooxaha ku lugta lahaa dagaalkii gobolka Tigray ee Itoobiya. Tallaabadaas ayaa si weyn uga careysiisay dowladda Eritrea oo iyadu qayb ka ahayd dagaalkii Itoobiya dhexmaray dowladda dhexe iyo TPLF.
Si kastaba ha ahaatee, warqadda Trump ayaa timid iyadoo xilligan ay jirto xiisad hor leh oo la xiriirta xayiraad fiiseed oo Mareykanka uu horraantii sanadkan kusoo rogay Eritrea iyo 11 dal oo kale, sababo la xiriira “walaacyo dhinaca ammaanka ah.”
Dhinaca kale, Madaxweyne Isayas Afewerki ayaa wareysi uu siiyay telefishinka qaranka Eritrea 19-kii November ku sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu yeesho xiriir saaxiibtinimo ah oo salka ku haya is-ixtiraam iyo iskaashi dhab ah oo la la yeesho Mareykanka. Wuxuu tilmaamay in dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu hagaajiyo xiriirka labada dal ay fashilmeen, balse dadaalkaas uu socon doono.
Xiriirka Eritrea iyo Mareykanka ayaa tan iyo horraantii 2000-meeyadii ahaa mid xasillooni darro ah la daalaa dhacayay, iyadoo khilaafaad dhanka siyaasadda, amniga iyo xuquuqda aadanaha ay si weyn u saameeyeen. Haddii dadaallada cusub ee Donald Trump ay miro dhalaan, waxaa laga yaabaa in uu furmo bog cusub oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Asmara iyo Washington.














