Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda Oo Ka Hadlay Qarax Xalay Muqdisho ka dhacay

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Qoraal uu soo saaray Afhayeen Sadiiq Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in Qaraxii ka dhacay wadada 21 Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lala eegtay gaarigiisa, xili uusan isaga la socon.

Waxaa uu sheegay Afhyeenka Ciidanka Booliska in gaarigiisa uusan waxyeelo kasoo gaarin qaraxaas, hayeeshee uu ku jiro khasaaro soo gaaray dad shacab ah iyo gaadiid goobta marayay xiligii uu qaraxu dhacaayay.