Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo iskaashi la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah ururka xagjirka ah ee Daacish ka fuliyay dhulka buuraha leh ee gobolka Bari, Puntland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay AFRICOM, howlgalkaasi oo si gaar ah loo beegsaday ayaa lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo lagu sheegay inay halis weyn ku ahaayeen xasilloonida gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
“Waxaan howlgalkaan ku beegsanay xubno Daacish ah oo si toos ah halis ugu ahaa nabadda Soomaaliya iyo gobolka. Tani waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
Bayaan kale oo ka soo baxay taliska ayaa lagu xusay in AFRICOM ay sii wadi doonto wada shaqeynta dhow ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo wiiqo kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
Mareykanka ayaa muddo dheer taageero ciidan, sirdoon iyo duqeymo dhanka cirka ah siiya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, si gaar ahna u beegsada xarumaha iyo keydadka hubka ee kooxaha sida Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala iyo meelo kale oo fog oo aan si sahlan loo geli karin.
Howlgalkaan ugu dambeeyay ayaa muujinaya firfircoonida iskaashiga amni ee Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu xasillinayo dalka.















