Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay hadda howlgalladu ka socdaan.
Odayaasha ayaa Agaasimaha Hay’adda NISA uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga Ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Khawaarijta, kana difaacday deegaankooda.
Odayaasha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.














