Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed ayaa ku dhintay qarax caawa l oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo ku booday gaariga Agaasimaha xilli uu kasoo baxay maqaayad.
Waxaa gaariga la saarnaa Agaasimaha Tv-ga qaranka Sharmaake Maxamed Maxamuud, waxaana soo gaaray dhaawac.
Wariye Afrika ayaa ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon warbaahinta qaranka, waxaana in muddo ah uu dagaal kula jiray Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa xaqiijiyay geerida Wariyaha.














